Qofkee Soo Saaray Kombiyuutarkii Ugu Horeeyay Ee Wax Borograamiya? Xiligeese?

Ma sahlana inaad si fudud u hesho jawaabta su’aashan ayada oo ay ugu
wacantahay is bedbedalka faraha badan ee uu soo maray kombiyuutarku.
Kombiyuutarkii u horeeyay ee hab mashiin kushaqeeya ayuu Charles
Babbage soo saaray 1822, wuxuuna aad uga duwanyahay kuwa manta la
isticmaalo. Sidaa darteed ayaan qormadaan ku xusi doonaa is bed
bedalkii kombiyuutarka illaa laga yimaado nooca manta aan isticmaalno.

Ugu horeeyn ereyga “Computer” ayaa waxaa la adeegsaday 1613-kii ayadoo
loo adeegsan jiray dadka ku fiican xisaabaadka iyo howlaha ad adag,
ilaa laga soo gaaro dhamaadka qarnigii 19aad markaas oo lasoo saaray
mashiino wax xisaabiya kaas oo magacii “Compute” sidaas kuqaatay.

Kombiyuutarkii u horeeyay ee iskiis ushaqeeya iyo hal abuurkiisa.
1822-kii ayuu Charles Babbage bilaabay curinta iyo saasaarista
kombiyuutarkii u horeeyay ee iskiis u shaqeeya, kaas oo awooda
saarista natiijooyinka tirooyin dhowr ah iyo daabacaadaha adag.
1837-kii ayuu markale soo bandhigay kombiyuutarkii u horeeyay ee Analytic ah.

Waa tuma Ada Lovelace?
Ada Lovelace waa ruuxii ugu horeeyay ee Kombiyuutar borograamiya,
sidoo kale waa ruuxii ugu horeeyay ee sameeyay habka tixraaca loo
yaqaan “algorithm” ee Kombiyuutarku wax u ku xaliyo.

Kombiyuutarkii u horeeyay ee awooda inuu wax borograamiyo. (Jawaabta su’aasha)


Magaca kombiyuutarkaas ayaa ahaa Z1 waxaana sameeyay Konrad Zuse oo
kazoo jeeda Jarmalka sanaddii 1936-kii ilaa 1938-kii.
Z1 waxaa loo aqoonsanyahay inuu yahay mashiinkii u horeeyay ee ah
“Electromechanical Computer”  ee aqbalaya binary (0 iyo 1) iyo sidoo
kale inuu ahaa kombiyuutarkii u horeeyay ee la qaab ah nooca casriga
ee manta aan isticmaalno.