Waxaa si guul ah kusoo gaba-gaboobay tartanka sanadlaha aha ee SOSTEC Technology Day 2018 oo ay ku tartamayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo bartay ama weli barta kuliyadaha la xiriiro tiknooolojiyada ee jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.
Tartankan oo la shaaciyay dhowr todobaad ka hor ayaa tan iyo waqtigaas waxaa soo codsaday in ay kasoo qeyb-galaan dhallinyaro ku dhaw 60 qof oo soo codsaday waqtigii koobnaa ee ay furneyd codsi-qabashada.
Qeybaha kala duwan ee lagu tartamayay waxaa kamid ah:
- JS
2. VBNET
3. Photoshop
4. CSS3
5. Illustrator
6. PHP
7. Mobile App Development
27 qof oo kamid ah dhallinyaradaasi ayaa soo dhameystiray shuruudahii looga baahnaa si ay u tartamaan, waxaan mid walba uu soo bandhigay xirfaddii iyo hal-abuurkii ku jiray.
Tartankan oo socday 3’dii illaa iyo 4’tii bisha August ayaa ujeedkiisa waxuu yahay in shirkadda ay ku dhiirogeliso dhallinyarada in ay cariyaan hal-abuurkooda oo ay soo bandhigaan iyagoo abaalmarinno ku helaya.
Ugu dambeyntii, ku guuleysteyaasha tartanka ayaa la shaacin doonaa 8 August oo ku began sanadguuradii 12-aad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay shirkadda SOSTEC.
Sawirro: