5 Sababood oo uu ganacsigaaga ama hay’addaada ay Website ugu baahantahay!

Waqtigan casriga ah ganacsiyada waxaa ay ku dadaalayaan in ay la jaan-qaadaan tiknoolojiyada casriga ah si ganacsigooda uu u kobco una guuleysto. Hadaba adeegyada sida weyn ay u isticmaalaan waxaa kamid ah website iyo system-ka xisaabaadka kumbiyuutarka ah oo labadooduba ah wax muhiim u ah ganacsi walba.

Sidaa darteed ganacsade halkan hoose waxaan idiin kugu soo gudbineynaa 5 sababood oo uu ganacsigaaga website ugu baahanyahay, haddii aan si kale u dhignana waa muhiimadda uu ganacsigaaga u leeyahay website-ka.

1. Adiga ayaa maamulaya xogta ay macmiishaada iyo dadweynaha gaareysa.

Haddii ganacsigaaga uu leeyahay website waxuu awood u yeelanayaa ganacsigaaga in uu macaamiishiisa u gudbiyo xog dhab ah iyo adeegyada uu bixiyo ganacsigaaga. Haddii aadan adiga xogtaada qoran cid kale oo si sax ah oo hufan kuugu qoreyso ma jirto. Sidaa darteed waa muhiim in ganacsigaaga uu leeyahay website.

2. Aaminaad ayaad heleysaa

Haddii ganacsigaagu aanu laheyn website waxaa adag in ay bulshada ku aaminto oo ay kalsooni ku qabto shirkadaada ama ganacsigaaga. Sidaa darteed waa in shirkadaada ama ganacsigaaga uu leeyahay website si aad u kasbato kalsoonida macmiishaada iyo dadweynaha.

3. Magaca ganacsigaaga ama shirkadaada ayaa kor u qaadmaya

In ganacsigaaga ama shirkadaada ay leedahay website u gaar ah waxaa ay suuragelineysaa in ganacsigaaga uu gaaro dalka oo dhan iyo daafaha caalamka maadaama website-ka shirkaddaada laga aqrisan karo caalamka oo dhan.

4.  Waa suuq-geyn fiican

Waxaad awood u yeelaneysaa in badeecooyinka aad iibiso aad kusoo bandhigato website-kaaga iyadoo malaayiin qof oo dunida dacaladeeda joogta ay ka aqrisan karaan. Waxaa kale oo shirkadaada magaceeda laga heli doonaa internet-ka tusaale ahaan marka Google laga baaro shirkadaada.

5. Ganacsigaaga 24 saac ayuu furnaanayaa

Macaamiisha iyo dadweynaha waxaa ay awood u yeelanayaan in ay mar walba iyo waqti walba helaan macluumaad ku saabsan shirkadaada/hay’adaada iyagoo soo booqanaya website-kaaga halka haddii ganacsigaaga ama hay’adaada aysan website laheyn ay qasab tahay macmiishaada in ay kuugu yimaadaan xarunta weliba waqtiga shaqada oo kaliya.

Hadaba haddii aad website u dooneyso shirkadaada, ganacsigaaga ama hay’adaada shirkadda SOSTEC waxaa ay kuugu soo dhaweyneysaa adeegyo hufan oo tiknoolojiyada la xiriira haddii ay ahaan laheyd sameynta iyo naqshadeynta website-yada oo qiimo jaban laguugu sameynayo iyo xalinta baahiyaha tiknoolojiyadeed ee aad qabto.